Qoryoley (INO)—Ciidamada Nabad Ilaalada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliaya ayaa iska kaashanaya howlgallo Miino baaris ah oo ka socda Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Sida lagu sheegay Twitter-ka Taliska AMIOSOM, Howlgalladan ayaa waxey ka socdaan Wadooyinka galla Buufow, Qoryooley, Baledul-amin iyo Janaale oo ka mid ah Gobolka Sh.Hoose.
Holwgalladan oo soo bilaawday Shalay ayaa ilaa iyo maanta waxuu ka socdaan Degaanadaas, iyadoona Saraakiisha ay sheegeen in ay sii wadi doonaan ilaa halkaasi laga sifeeyo miinooyinka lagu aasay.
Ugu dambeyn, Al Shabaab ayaa sugan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose, iyagoona halkaasi ka soo qaada Weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Sh.Hoose.
Idale News Online, Qoryoley