Ciidamada DFS Iyo Al-shabab Oo Ku Dagaalamey Duleedka Degmada Tiyeeglow

0
245

Tiyeeglow(INO)-Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay Dagaal Deegaano hoostaga Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidamada Dowladda oo kaashnaya kuw Midowga Africa ee AMISOM iyo Shabaab.

dagaal

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Deegaanka Buulo-jadiid oo 25 KM u jira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool halkaasi oo maamulayeen Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa kala wareegay Deegaanka dhinacii kale ee Al Shabaab sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada, Maxamed Cabdulle Xasan.

Majiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya in Al Shabaab lagala wareegay Deegaanka hase ahaatee Xaaladda Deegaanka ayaa hada ah mid dagan.

Idale News Online, Tiyeegow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here