Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo Maanta booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida,sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah ee Al- Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay kormeerkiisan ku wehliyeen Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Faqi iyo kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isaga oo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Wuxuu Halkaasi Ka Jeediyey Qudbad Qiimo Balaaarn Xambaarsan Taasi oo Siwayn Ubadashay Shucuurta slamarkaana jil-jilishey quluubta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Idale News Online, Muqdishu,