Ciidamada Amniga oo howlgalo ka fuliyey bartilmaameedyo ku yaala Degmooyinka Waaberi, Hodan iyo Wadajir

0
216

Ciidamada Amniga ayaa xaley waxay howlgalo ay dad ku soo qabqabteen ka fuliyey seddex degmo oo ku yaala magaalada caasimada ee Muqdisho oo kala ah Wadajir, Waaberi iyo Madiino. Waxayna howlgalkaasii oo baro gaar oo tilmaaman ku wajahnaa ku soo qabqabtey dad aad u tiro badan oo aan la sheegin tiradooda, kuwaasoo hadda ku jira gacanta ciidamada Nabad suggida iyo booliiska.

“Howgalladan waxay ahaayeen kuwo ammaanka lagu xaqiijinayay wayna socon doonaan inta ammaanka caasimadda laga adkeynayo,” ayuu yiri sarkaal ka mid ahaa kuwii hoggaaminayay howlgallada, kasoo diiday inuu magaciisa sheego.

Muqdisho ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ahayd mid uu ammaankeedu fara kasii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen qaraxyo ay dad badan ku dhigeen iyo dilal qorsheysan oo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen laguna dilay xildhibaan iyo haweeney ganacsato ahayd.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka howgallada laga sameeyay ayaa sheegay in ciidamadu ay galayeen goobo gaar ah, ayna sidoo kale baaritaanno ku sameynayeen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waa markii ugu horreysay oo tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya howgallo noocan oo kale ah laga sameeyo Muqdisho, iyadoo lagu waddo in maanta ay saraakiisha ciidamadu ka warbixiyaan howgalladii xalay la sameeyay.

Xaaladda Muqdisho ayaa saakay daggan, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari uu sheegay in dilka mudanaha loo geystay uusan ahayn mid ka horjoogsan doona howlahooda.

Mudanaha la dilay ayaa wuxuu sodog u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo mas’uuliyadda dilkiisa ay sheegatay Al-shabaab oo ku sheegay inuu ahaa farriin ay u dirayaan xildhibaannada kale ee baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato mid amaankeedu faraha ka sii baxaayo iyadoo maalintii shaley ah oo kaliya la diley tiro kor u dhaafeysa 5 qofood oo ay ku jirto haweeney iyo xildhibaan dowlada ka tirsan kuwaasoo lagu diley meelo kala duwan oo Magaalada caasimada ee Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho