Ciidamada Ammaanka Jowhar oo gacanta ku soo dhigay keyd miinooyin ah oo meelo lagu qarxiyay

0
201

Ciidamada ammaanka Jowhar ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabo qarxa oo lagu qariyay xaafado ka tirsan magaalada, kadib markii ay heleen xog ku saabsan miinooyinkaas iyo halka ay yaaleen.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in gudaha Jowhar qeybo ka mid ah ay ka soo heleen miinooyinkaas, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogaan dadkii aasay, isla markaana ay hayaan xogtooda.

Miinooyinkan oo ay wehliyeen batariyeyaal ayaa waxaa lagu dhex qariyay surfiyo, waxaana howl galka ciidamada la sheegay inay ka sameeyeen baro cayiman, kadib markii ay warbixin heleen, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tallaabada la qaaday ee looga hortagay dhibaatadeynta shacabka, isagoo u hambalyeeyay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Shabellaha Dhexe.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in wax aad looga naxo ay tahay in aalad awoodeyda inta ay la egtahay in si dhagar ah meel loogu qariyo, dad Muslimiin la doonayay in waxyeelo loogu geysto, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay cadaawad weyn.

Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha qarxa, waxaana tan iyo markii lala wareegay magaalada Jowhar ay ciidamada soo qabteen waxyaabo qarxa iyo miinooyin la aasay.

Idale News Muqdisho