Qoryooleey ( INO)-Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa tiro Madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Meelaha ay AMISOM-tu duqeysay waxaa ka mid ah deegaanka Farxaane oo qiyaastii 7 Km xagga Koonfur Galbeed uga beegan degmada Qoryooleey.
Deegaankaasi Farxaane ee Ciidamada AMISOM ay Madaafiicdu la beegsadeen ayaa waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab.
Dadka deegaanka oo Shabelle u warramay ayaa sheegay in Madaafiicdaasi ay tiradoodu illaa 20 kor u dhaafeysay islamarkaana ay ka dhasheen khasaarooyin walow aan illaa iyo iminka la cayimi Karin.