Baydhabo(INO)-Wararka Ka imaanaya Degaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay, ayaa Sheegayaan in Ciidamada Dowladda DF Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka Bilaabeen howllgal ka dhanka ah Kooxda Al- Al Shabaab Deegaanka Goof-gaduud oo hoostaga Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Axmed Aadan Maxamed ,Gudoomiyaha Deegaanka Goof Gaduud ayaa tilmaamey in baaritaanada ay ka qeybqaadanayaan Ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa Dowlada Itoobiya oo lagu badalay kuwa horay u joogay Deegaanka, kuwaasi oo uu sheegay in kuwii hore ay kaga wanaagsan yihiin dhinaca howllgalada.
Dhanka kale Gudoomiyaha ma uusan sheegin in howllgalka uu dhiig ku daatay iyo in Dad lagu qabtay hase ahaatee waxa uu sheegay sida uu hadalka u dhigay in Al Shabaab, marka ay ka warheleen dhaqdhaqaaqa Ciidamada ay isaga carareen Deegaanka.
Ugu Dambeyntii Kooxda Al Shabaab Oo Dagaal Adag kula Jirto Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer Weerraro ku qaaday Saldhigyada ay Deegaanka ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Idale News Online, Baydhabo.