Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo sheegtay in ay la wareegeen Degmada Xudur ee gobolka Bakool

0
184
Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ayaa galabnimaddii maanta gacanta ku dhigay magaallo-madaxda Gobalka Bakool ee Xudur.
 
Goobjoogayaal ku sugan Xuddur ayaa sheegay inuu dagaal xooggan ka dhacay duleedka iyo gudaha Xuddur, iyadoo ay Ciiddanka Ethiopianka ee qeybta ka ah AMISOM duqeyn xooggan u geysteen Degmadaasi oo ay Dagaalyahannadda Xarakadda Alshabaab gacanta ku hayn jirey.
 
 Afhayeenka dhinaca Milliteriga ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyey in Degmadda Xuddur laga saaray. Waxa uu tilmaamay inay iyaga weli gacanta ku hayaan Xudur, wuxuuna dhanka kale sheegay in Ciiddamadda Ethiopianka iyo kuwa Dowladda Federalka ku sugan yihiin meel 10-Km u jirta Xudur
 itobiyaAMISOM5
 
Dhinaca kale, Afhayeenka AMISOM, Colonel Ali Aden Houmed ayaa sheegay inay AMISOM gacanta ku hayso Xuddur, oo ay Xarakadda Alshabaab ka saareen.
 
 
Wararka kale ee naga soo gaarayo Xuddur ayaa sheegay inuu qarax xooggan ka dhacay bartamaha degmadaasi.
Qaraxaasi ayaa la sheegay inay ahayd miino lagu aasay waddada dhinaceed, lamina soo sheegin wax khasaaro oo la soo weriyey inuu qaraxaasi geystay.