Mombasa(INO)-Laba nin oo u dhashay Wadamada Carabta, ayaa waxaa lagu xiray Magaalada Mombasa ee Xarunta 2-aad ee Kenya, ka gadaal markii muddo toddobaad ah baadigoob loogu jiray.
Labadan nin, ayaa ka mid ahaa afar nin oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu xiray Magaalada Mombasa, xilli la tilmaamay inay maleygayen weerar ka dhan ah goob laga dukaameysto oo Mombasa ku taala.
Afartan nin, ayaa gaari ay wateen soo dhigtay goob gawaarida la dhigto (Parking cars) oo ku taala City Mall Nyali. City Mall Nyali waa suuq laga dukaameysto oo Magaalada Mombasa ku yaala.
Afhayeen u hadlay Taliska Booliska Mombasa oo lagu magacaabo Robert Kitur, ayaa sheegay in Booliska Mombasa lagu soo wargeliyay toddobaad ka hor macluumaadka raggaasi, laguna daba joogay.
Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay in Ciidanka Booliska lagu soo wargeliyay in raggaasi, ay ku sugan yihiin banaanka hore ee City Mall Nyali, kuna guuleysteen Boolisku in si rasmi ah gacanta ugu soo dhigaan raggaasi.
Robert Kitur oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah raggaasi u dhasheen Wadamada Carabta, halka labada kalana ay dalka Kenya u dhasheen, sida uu yiri.
Kitur waxa uu intaa ku daray in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaano ka dhan ah afartasi nin, wixii ka soo baxana ay dib Warbaahinta ugala midoobi doonaan.
Idale News Online, Mombasa