Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa maanta ka hortagay gaari Nooho ah oo lagu Xiray Qarax Miino xili uu ku baakinaa Baar ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis.
Gudoomiyaha Degmada ayaa sheegay in Qof Shacab ah oo arkayey xiliga Qaraxa Miino lagu Xirayey Gaariga uu Maamulka Degmada ku Wargaliyey,intaa kadibna Maamulka Degmada uu ku Wargaliyey Laamaha Amaanka sidaana looga hortagay.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Wasaarada Amniga ay ka hortagtay Qaraxii oo ay Fashilisay,waxuuna intaa ku daray Afhayeenka in Abaalmarin la siiyey Qofkii soo sheegay Qaraxaasi laga hortagay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badtay Qaraxyada lagu Xiro gawaarida,kadibna ku qarxa Dadka Wata Gaariga.
Idale News online – Muqdisho