Ciidamada Amaanka Ee KGS Oo Howlgalo Ka Wada Baydhabo

0
203

Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka ee magaaladaas, ay maanta qaadeen howlgalo gaar ah oo lagu beegsanayo baro cayiman oo ay ciidamadu ka heleen xogo badan oo khuseeya arrimaha amaanka ee magaalada.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay heleen xog tilmaamaysa in ay jiraan meelo laga abaabulayo qaraxyo iyo weeraro lagu qaado magaalada Baydhabo, isal markaasna hada baadi goob dheer loogu jiro cidii ka dambeysay arrimahaas.

Ilaa hada waxaa la qabtay dad badan ka badan 12 ruux oo dhamaantood ay ciidamadu ugu tageen meelo kala gedisan oo ka mid ah gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore la wareeray aqalka Madaxtooyada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa todobaadkan ku dhawaaqay duulaan balaaran oo ka dhan ah Xarakada Shabaab ee Soomaaliya, isagoo kusifeeyey bahalo doonaya in ay saacad kasta daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here