China oo Agab Milatari ugu deeqay Ciidamada AMISOM

0
180

Muqdisho ( INO)-Wakiilka Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa waxuu sheegay in Dowladda China ay agab militari ugu deeqday howlgalka AMISOM.

Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu tilmaamay in agabkaasi militari la soo gaarsiin doono howlgalka  Midowga Afrika ee AMISOM oo lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in agabkan uu xoojinayo howlgalka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wada qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu mahadceliyay Dowladda China teegeerida ay la soo garab istaagtay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoona xusid mudan in mararka qaar ay fuliyaan Weeraro xoogan oo ka dhasha khasaaro kala duwan.