Chad oo ciidankeeda kala baxayso Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

0
201

Dowladda Chad ayaa sheegtay in ciidankeeda ay kala baxayso Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika kaddib marki lagu eedeeyay inay taageeraan fallaagada Muslimiinta ee dalkaas.

Ciidanka J. A. dhexe

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Chad ayaa lagu sheegay in ciidamadooda la eedeeyay in kasta oo ay naftooda hurayaan.

Ciidammada Chad ee ku sugan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa gaaraya 850 askari oo ka tirsan xoogagga nabadilaalinta ee Afrika.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay inay taageeraan Jabhadda Mulimiinta ee Seleka ee horey u haysay talada dalkaas.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxaa haatan ku barakacay boqolaal ruux oo Muslin ah, iyadoo ay bartilmaameedsanayaan dablay Kiristaan ah.

Toddobaad ka hor ayaa ciidammada Chad lagu eedeeyay inay dileen 24 ruux oo Kiristaan ah.

Chad waxay sheegtay inay iska difaacaysay weerar ay so qaadeen dablayda Kiristaanka.

Xigasho: BBC Somalia.

Idale News Online.