C/Fataax Xasan Afrax “25-ka Bishan Baledweyne waxaa ka furmaya shir looga hadlaayo Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe”

0
489

Baledweyne(INO)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in 25-ka Bishaan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uu ka furmaayo shir looga hadlaayo Maamul u sameynta Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

C/fataax ayaa sheegay in iminka lagu mashquulsan yahay maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, balse 25-ka Bishaan Aqoonyahano, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay tagi doonaan Magaalada Baledweyne si ay uga qaybgalaan shirka Maamul u sameynta.

“Wey socotaa dooda iyo wadahadalka 25-ka Bishan qayb ka mid ah oo ballaaran Qurbajoogta Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Beladweyne ayeey isugu imaanayaan, hada waxaa aad loogu mashquulsan yahay Maamul u sameynta Gobolada dhexe oo dowladda ay ku mashquulsan tahay.” Ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.

Waxa kale uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in shirkaasi looga hadli doono arimo ku aadan sida ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamul Goboleedka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Guddoomiye Afrax wuxuu tilmaamay inuu yahay musharax u taagan qabashada hogaanka Maamulkaasi, si buu yiri aan ugu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Goboladaasi kasoo jeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowr mar waxaa lagu qabtay shirar kala duwan oo looga hadlaayay maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Siyaasiyiin badan ayaa xusul duub ugu jira inay qabtaan Hogaanka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Idale News Online, Baledweyne, Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here