Gudoomiyihii Gobolka Bay ee xilka laga qaaday C/fataax Ibraahim Geesey ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay iyo wareegtada lagu magacaabay Maamulka KMG ee Gobolka Bay loo sameeyay.
Wareysi uu siiyay Idaacada VOA-da ayuu C/fataax Geesey sheegay in isaga uu yahay gudoomiyaha rasmiga ee Gobolka Bay, isla markaana uusan aqbali doonin maamul kale oo dusha laga keenay.
“Aniga ayaa ah Gudoomiyaha rasmiga ee Gobolka Bay, dadka deegaanka isoo doortay, mana ogolaanayo maamul dusha laga keenay inaan xilka ku wareejiyo”ayuu yiri C/fataax Geesey.
Mr Geesey ayaa sidoo kale sheegay inuu xilka ku wareejin karo oo kaliya qof ay dadka deegaanka soo doortaan.
Wareegto xalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ay ku kala saxiixnaayeen ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa xilka looga qaaday C/fataax Geesey, iyadoo maamul KMG oo muddo lix bilood shaqeynaya loo magacaabay.
C/fataax Geesey ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii xilligii dowladdii KMG deganeyd magaalada Baydhabo, waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay, iyadoo intii ay Al-Shabaab ay heysteen uu ku magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka.
Idale News Muqdisho