Wararka laga helaayo degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayeen in xalay ciidamadii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah ay ku soo qul quleen degmadaas.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay wataan gaadiid tiro badan kuwaas oo isugu jiro kuwa ciidan iyo kuwa kale oo sida sahan ay ciidankaas wataan.
Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale waxa wataan gawaari ay ku qoran yihiin AU taas oo ay micnaheeda in ay ka mid yihiin cidanka AMISOM ,dhanka kale ciidamada ayaa fariisimoka sameystay afaafka hore ee degmada.
Si kastaba ciidamadaan ayaa la sheegay in ay isku diyaarinayaan sidii ay u qabsan lahaayeen Ceelbuur iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalkaas oo ay Al-Shabaab ka taliyaan.
Imaanshaha Ciidanka Itoobiya ee Guriceel ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli maalintii shalay eheyd maamulka Ahlu Sunna ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan ciidankaas hadii ay yimaadaan Guriceel.
Idale News Online.