Muqdisho (INO) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Wararka IdaleNews.com e ayaa sheegaya in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ay caqabad ka heysato sidii ay ku kasban lahaayen Xildhibaanada Baarlamaanka, xilli ay jirto cabsi xooggan.
Caqabadda ugu weyn ee haysatay musharaxiinta ayaa la sheegay inay tahay qaabka ay dhaqaalaha xoogan ku siin lahaayen Xildhibaanada kadib markii Beesha Caalamka ay ka digtay in Musharaxiinta ay laaluush siiyaan Xildhibaanada.
Beesha Caalamka ayaa ku goodisay in Musharaxii lagu helo Musuq-maasuq iyo bixinta Laaluush uu la kulmi doono caqabad Siyaasadeed, oo ay ka mid tahay inaan la aqoonsan madaxweynenimadiisa haddii la doorto.
Waxaa sidoo kale jira shaki ay qabaan musharaxiinta oo ah in laga yaabo in xildhibaanada qaar ay la shaqeynayaan beesha caalamka, sidaas darteed ay suurto gal tahay inay gudbiyaan musharaxii lacag siiya.
Arrintan ayaa la sheegay inay u daneyn karto musharaxiinta aan haysan dhaqaalaha badan, islamarkaana ay caqabad ku noqon korto kuwa lacagta badan wata ee doonaya inay codadka iibsadaan.
Waxaa muuqata in go’aanka Beesha Caalamka ee lagula dagaalamaayo Laaluushka Musharaxiinta uu sabab u noqonayo inay sii kala fogaadaan Musharaxiinta iyo Xildhibaanada, kadib markii la ogaaday in Beesha Caalamka ay Kooxo isku xiran ku dhex sameysteen Musharaxiinta iyo Xildhibaanada kuwaa oo ballanqaad Siyaasadeed ka helay Beesha Caalamka.