Cali Khaliif : “Farmaajo wuxuu madaxweyne u yahay Xamar, maamulkeeda ha ka soo baxo”

0
200

Buuhoodle (IdaleNews) – Cali Khaliif Galeyr oo ah madaxweynaha Maamulka Khatumo State kaasoo kulan ku leh Jabuuti Saraakiil ka socoto Maamulka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey in Puntland ay tahay maamul aan ogoleyn maamulkiisa wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Cadawga Koowaad.

Cali ayaa ku eedeeyey maamulka Puntland inay dhibaato ku heyso shacabka deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Khaatimo isagoo kula taliyey shacabkiisa inay meel cad ka wada istaagaan.

“In Badan ayaa abtirsiimo xabadka naloogu garaacay, waan ka kornay hadda, waa inaan cadawga meel uga soo wada hor jeesanaa oo ay kow ka tahay Puntland” ayuu yiri.

Khaliif ayaa amaan ugu qubeeyey madaxweynaha Maamulka Somaliland oo ku tilmaamay inuu yahay nin diyaar u ah in maamulkiisa uu gaaro meel fiican isla markaasna la wada hadlo wuxuuna ka dhawaajiyey inay horey usii socon doonaan wadahalada u dhaxeeyo labada maamul.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay isagoo ku tilmaamay inuu yahay madaxweyne laga soo doortay muqdisho oo uusan aheyn mid soomaaliya loo doortay wuxuuna yiri: “ Madaxwyenaha cusub ee Farmaajo wuxuu Madaxweyne u yahay Xamar, waxaan ugu hambalyeenayaa inuu midda Xamar un uu ka adkaado”r”

Ugu dambeyntii, Hadalka kasoo yeeray Cali Khaliif ayaa noqday mid lala yaabay oo aan laga fileyn maadaama maamulada ka jiro soomaaliya ay guud ahaan soo dhaweeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.