Cali Dhuux Oo Loo Magacaawey Taliyaha Laanta Socodaalka iyo Jinsiyada Ee Dowlada KG Soomaaliya

0
299

Baydhabo(INO)-Wasiirka wasaarada amniga ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Fataax Ibraahim Geesey, ayaa Xaley, waxa uu kulan Xog is way daarsi ah la qaatey, saraakiil ka Tirsan laamanaha Amaanka iyo kuwo qaabilsan Laanta Socodaalka iyo Jinsiyada ee degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

cali dhux

Wasiirka Amniga Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdi Fatax Ibraahim Geesey, ayaa kulanka ka  dib, wareegto ka Soo baxdey  Xafiiskiisa looga Magacaawey taliyaha Laanta Socodaalka iyo Jinsiyada ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cali (Cali Dhuux), tasoo ka timid baahida loo qabo iyo qiimeyn ay wasaaradu ay sameysey.

Dadka ku  dhaqan degaanada KG Soomaaliya ayaa in badan aysan  haysan Baasabooro,  Kararka Dhalashada Iyo Weliba  dukumiintiyada kale ee la xariira arimaha Socodaalka, wayna ku adag tahay  in si fudud ay ku heleen.

Si kastaba ha ahaatee, waa Markii ugu horeysey, oo Sarkaal noocan ah ay yeelato dowlada KG Soomaaliya  tan iyo markii la Dhisey Sanadkii hore.

Ugu dambeyntii wasaarada Aniga ee dowlada KG Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan, isku daba ridka howlaha amni ee degaanada koonfur galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Suuban.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here