Cadde Muuse “Waa nasiib darro in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo”

0
205

Galkacyo(INO)— Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaada ku soo laab-laabato magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dadka ku nool Mudug inay nabad ku wada noolaadaan.

Jen. Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay is weydiiyay sida ay ku dhaqan geli karto heshiiska laga gaaray colaada Gaalkacyo, oo marar badan inta la heshiiyay ay subaxdii bilaabatay xabada.

“Dadka wada degan ayay dan waxay ku jirtaa inay Nabada iyo wanaag ku wada noolaadaan, maanta wixii dhacay waa ku faraxsanahay in heshiis la gaaro, laakiin ma aqaan sida uu ku hirgeli karo, inta go’aan la gaaro, misana xabadii subaxdii bilaabaneyso”ayuu yiri Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo, halkii horay lagu xalin jiray Muqdisho iyo tuulooyinka u dhow Gaalkacyo.

20-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco wajiga labaad ee wada hadalada Puntland iyo Galmudug ee xalka looga gaarayo colaada Gaalkacyo.

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo labadii maalmood ee la soo dhaafay shir ku lahaa Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay in xabada la joojiyo, ciidamada dagaalamaya la kala qaado, iyagoo magacaabay Guddi wada-jir ah oo ka shaqeeya dhameystirka xal ka gaarista colaada Gaalkacyo.