Cadaadis ka dhan ah muslimiinta oo ka bilowday uganda iyo iskulada musliminta oo albabada layskugu dhuftay

0
340

Kampala(INO)-Shan goobood oo Madaraso ah oo ku yaala dalka Uganda ayaa waxaa xiray ciidamada booliska dowlada Uganda kuwaasi oo masuuliyiintooda lagu eedeeyay iney ardada tababar u siinayeen, waxay ugu yeereen argagixiso.

Hogaamiyaasha muslimiinta dalka Uganda ayaa beeniyay dambiyada lagu eedeynayo ee ku aadan iney tababar siiyaan ardada dhigata madarasooyinka ay wax ku baraan ardadaasi.

Patrick Onyango, afhayeenka ciidamada booliska dalka Uganda ayaa sheegay in iskuulada islaamiga ee dalkaasi sababta ay u xireen ay tahay in ardada la barayo iney noqdaan dagaalyahano ku biira kooxaha mucaaradka ee dalkaasi Uganda, sida uu hadalka u dhigay.

“Maskaxda ayay caruurta ka badalayaan, waxay barayaan iney ku biiraan kooxaha mucaaradka, qorsha ayaa ah markey weynaadaan iney qoriga qaataan oo ay jabhad noqdaan”ayuu yiri afhayeenka booliska Uganda oo magaalada kampala saxaafada kula hadlay.

Wuxuu sheegay in seddex kamid ah iskuulada islaamiga ee la xiray ay ku yaalaan gobolka bartamaha Uganda halka labada kale ay ku yaalaan dhanka bari ee dalka Uganda.

Hogaamiye ka tirsan bulshada muslimiinta dalka Uganda ayaa cambaareeyay falka ay sameeyeen ciidamada booliska dalka Uganda oo ay ku xireen goobo lagu baranayo diinta islaamka, iyaga oo ka dhigayo goobo waxyaabo qaldan la isku baro.

Qaasim Nakibinge oo ah masuuliyiinta sar sare ee muslimiinta Uganda ayaa sheegay in ciidamada booliska ay baneysanayaan iney waxyeeleeyaan dadka muslimiinta ee ku nool dalka Uganda kuwaasi oo madarasooyinka wax ku baranaya.

 Idale News Online, Kampala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here