Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa buuxiyay magaalada Kismaayo oo maalmahan ay culeysyo ay ugu weynaayeen Warbaahinta Caalamiga oo ku aadan xiisadaha dagaal ay saarnaayeen, iyadoo magaalada u muuqato in jawi cusub ay gashay.
Inkastoo maalin ka hor la sheegay in Hogaamiyeyaashii Shabaaba iyo agabyadooda ay ka daad-guerysteen, markii Ciidamada huwanta ay ku soo dhowaadeen magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii ugu faraha badnaa ee Shabaab ay gaareen magaalada si ay u difaacdaan, waxaana saraakiil ka tirsan Shabaab ay ku hanjabeen inay difaacan doonaan.
Saaka ayaa dib waxaa u howl galay Idaacada Al-Andulus oo ku hadashay Afka Shabaab, kadib markii maalin ka hor hawada laga saaray.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay Idaacada Andulus, isagoo beeniyay wararka ay baahinayaan warbaahinta Caalamiga, isla markaana qabsashada Kismaayo ay ka horeyso dhiig badan oo daata.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, mana jirto wax xiisad ah oo ka taagan, inkastoo dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dagaalada gudaha ka dhacaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Shabaab ay qoryo saarteen daaraha magaalada, waxaana isa soo taraya wal wal laga qabo in lagu dhex dagaalamo gudaha
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com