Baydhabo(INO) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga cabsi-qabo in dabeysha El Nino iyo roobab ay wadato ay fatahaado ka geystaan qaybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.
Roobabka ay wadato dabeyshan ayaa sidoo kale laga baqdin qabaa inay khasaare xooggan ka geystaan deegaannada gobolka Waqooyi-bari Kenya, halkaasoo ah deegaannada ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.
Inta u dhexeysa bilaha Oktoobar illaa December, 2015-ka ayay dabeysha El Nino kusoo wajahan tahay dalalka gobolka, iyadoo dalka Britain uu sheegay inuu gacan ka geysanayo sidii Somalia ay uga hortegi lahayd khasaare ka dhasha roobabkan daadadka wata.
Deegaannada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa ka jirta cabsi weyn oo ah in webiyadu ay ku fatahaan deegaannada ku dhow, iyadoo deegaannada qaarkood laga sameeyay biyo-xireenno; si looga gaashaanto fatahaado uu weligu sameeyo.
Sidoo kale, Hay’adaha gargaarka ayaa waxay sheegeen in daadad ka dhasha webiyada Jubba iyo Shabeelle ay saameyn ku yeelan karaan qiyaastii 900,0000 oo qof oo ku nool webiyadan jiinkooda.
Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in dabeysha El Nimo ee sannadkan ku wajahan Soomaaliya ay noqon doonto middii ugu khasaaraha badnayd ee Somalia soo marta muddo sannooyin ah.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com