Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Lasoo xiriiray Goobjoog Fm ayaa ugu horeen waxa uu ka hadlay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasha iyo dhaawaca dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jiray.
Cabdiweli Sheekh waxa uu sheegay in weerarkaasi uu yahay mid aad looga naxo, isaga oo falkaasi cambaareeyay, waxaana dhanka kale fariin uu u diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
“Waa Nasiib Darro, waxaan u arkeynay in baryihii dambe ay soo hagaagsanaanaysay lana dareemayay isbedal xagga amniga ah ee magaalada Muqdisho, in markale ay soo laabtaan waa nasiib darro aad ayaanna uga xunnahay, u maleyn maayo in arintaasi ay la xiriirto awooda Al-shabaab oo soo korotay, awoodooda wey yartahay, marka waa gaadmo, Hay’adaha amniga iyo umadda Soomaaliyeed waa inay feejignaadaan oo gaadmadaasi iska ilaaliyaan” Cabdiweli Sheekh ayaa sidaasi yiri.
Weerar mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab ayaa shalay oo Jimco ahayd waxaa lagu qaaday Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.
Idale News Online, Muqdisho