Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay VOA laanteeda Af-ka Soomaaliga ayaa sharcidaro ku tilmaamay shirka madaxweynaha Soomaaliya Muqdisho kula leeyahay qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka.
Wuxuu Carabka ku adkeeyay C/qeybdiib in shirkaasi uu yahay shir xadgudub iyo meel ka dhac ku ah Shacabka ku dhaqan gobolada dhexe,isagoo xusay in shirka uusan ahayn wax horay u qorsheysnaa,islamarkaana si kedis ah Xasan Shekh Maxamuud Muqdisho ugu yeeray Axmed Madoobe,Shariif Xasan iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.
“Ma jirin wax qorsheysan oo la ogaa, kaliya shir deg deg ah oo uu Madaxweynaha ugu yeeray nimanka Maamulada madaxda ka ah ayuu ahaa, shirkaas anigu idaaadaha iyo warbaahinta ayaa ka maqlay, anagana shirka nalama casuumin, xamar baa joogna, waxaa u arkeynaa inuu kaliya arrin meel ka dhac ku ah shuruucda dalka”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
“Galmudug waxay ka mid aheyd dhinacyadii aas aasayaasha dowladda, ee saxiixay Road Map-kii KMG-nimada looga baxay, dastuurkana aan wax ka sameynay, waxaa u arkeynaa maanta waxa ka socda Xamar ee aayaha siyaasadeed ee dalka looga hadlayo arrin gef ah, mana aqoonsan doono wax alla wixii ka soo baxa, dadka halkaas fadhiyana ma wada matala gobolada oo dhan, wali gobolo ayaa ka maqan”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.
Sidoo kale,madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in maamul goboleed dhowr ah ilaa iyo afar gaaraya oo dalka ka jira seddex ka mid ah loo yeero,wuxuu hoosta ka xariiqay inaanu madaxweyne Xasan Sheikh u lahayn inuu dafiro maamul dhisan oo Shacabkiisa u adeegaya.
“Arrinta maamulada gobolada dhexe dadka gobolada dhexe waxay u diyaar garoobeen inay meel isugu yimaadaan meeshii gogosha la dhigay diyaar weeye, mushkilada ilaa iyo hada garwadeenkii shirka dowladda ka aheyd baa ka maqan, hadee waxay aheyd in arrintaas iyada ka shaqeyso sidii dadka meel la isugu keeni lahaa, arrinta laftirkeeda cabasha ayaa ka muujineynaa”ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Qeybdiid.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan uga soconayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha seddex maamul goboleed oo dalka jira,iyadoo meesha aanay ka muuqan maamul goboleedyada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.
Idale News Online, Muqdisho.