Cabdi Jiinow Calasow ”Cidii kooxda Al-shabaab ah hala Dilo , hala daldalo Khawaarijta”.

0
224

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Jiinoow Calasoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa si kulul oga hadlay Weeraro Joogta ah oo Al-shabaab ay Gobolka ka geeystaan.

Teaser Image Cabdi Jiinow”Cidii Al-shabaab ah hala Dilo”Cabdi Jiinoow ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Degmada ay sii daayaan marka ay qabtaan Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,taasna ay keentay in Al-shabaab ay si yaadiyaan Dilalka iyo Beegsiga ay ku hayaan Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaan Amrayaa in Goobta uu joogo lagu Dilo kii Al-shabaab ah oo la soo qabto,Al-shabaab waa Argagixiso oo Maxkamad la saaro uma baahna”ayuu yiri Jiinoow.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa shalay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe Xarunta u ah,waxaa ay ku qarxiyeen Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dhaawac uu soo gaaray.

Iyadoona Amarka Gudoomiyaha uu noqonayo mid wanaagsan hadii uu dhaqan galo Amarkaasi Maamulka ka soo baxay.

Idale News Online, Jowhar.