Cabdi Cabdiraxman oo ah Muwaadin Somali Maraykan ah oo kaalinta 3aad ka galay tartanka New York Marathon

0
186

NY(INO)— Cabdi Cabdiraxmaan oo ah muwaadin asalkiisu yahay Somali balse haysta dhalashada Maraykanka ayaa kaalinta 3aad ka galay tartanka orodka Maaratonka ee New York City Marathon oo sanad walba la qabto.

Tartankan ayaa waxaa kaalinta koowaad ku guuleystay orodoyahan u dhashay dalka Eritrea Ghirmay Ghebreslassie halka uu kaalinta 2aad ku guuleystey orodyahanka reer Kenya ee Lucas Rotich .

New York Marathon ayaa sanadkii sadexaad ee isku xigta waxaa dhanka dumarka ka gashay kaalinta koowaad orodyahanada Kenya Mary Keitany halka ay Sally Kipyego oo Kenyan ah kaalinta labaad ku guuleysatay waxaana kaalinta 3aad gashay  Molly Huddle.

Tartanka Maaratoonka New York ayaa kaalimaha ugu horeeya waxaa ka galay orodoyahano ka soo jeeda geeska Afrika iyadoo tartamada caalamka ee orodada dhaadheer ay ugu sareeyaan orodyahanada ka soo jeeda Bariga Afrika.

Orodka Maaratoonka New York City Marathon ayaa waxaa ka qeybgalay maanta dad tiradooda lagu qiyaasay konton kun oo ruux kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar waana tartankii 40aad ee la qabto.

Cabdi Cabdiraxmaan oo ah muwaadinka Soomaali Maraykanka ah ayaa ah 39 sano jir waxana uu ku dhashay magaalada Muqdisho balse waxa uu qaatay dhalashada Maraykanka sanadkii 2000, waxana uu hore u saftay tartamo badan oo heer caalami ah.

Guushan ayaa ka dhigaysa in orodyahanada Soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalalka kale ay gaarayaan guulo iyadoo orodyahanka u carara Britain  Mo Farah uu haysto tartanka orodada ee 5,000 iyo 10,000 mitir.

new-york-maraton-1

maraton-8

maraton-1

maraton-2

maraton-3

maraton-4

maraton-5

maraton-6

maraton-7