Ciidamada maamulka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay iyo Kuwa AMISOM ayaa bilaabay qaadista isbaarooyinkii yaaley inta u dhaxey degmada Buurhaba iyo Degaanka Leego.
Ciidamada maamulka degmada Buurhakaba iyo kuwa AMISOM, ayaa sameeyay howlgal lagu burburinayo isbaarooyin ay hore u dhigteen rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda gudaha degmadaasi.
Xuseen Mankaalow, gudoomiye ku xigeenka mamulka Buurhakaba ayaa wuxuu sheegay in ay ku guuleysteen ilaa saddex jidgooyo in ay qaadaan gacantana ay ku dhigaan rag ay u taalay jidooyooyinkaasi.
Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka, jidgooyooyinkaan ayaa waxaa ka dambeeyay rag ku labisan dareenka ciidamada milatariga; waxaana howlgalka lagu qabqabtay qaar ka mid ah raggaasi.
Deegaano ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo xoogeysanayay jidgooyooyinka iyagoo dadku aad uga cabanayeen.
Xuseen Maankaalow ayaa wuxuu sheegay qorshahooda in uu yahay amniga iyo xasiloonida in ay dib u soo celiyaan.
Howlgalkaan ka dhanka ah jidgooyooyinka degmada Buurhakaba iyo ragga ka dambeeya, waxaa iska kaashanaya ciidamada maamulka dowladda ee degmadaasi iyo kuwa AMISOM.
Idale News Online, Buurhakaba, Somalia