Buubaa: “Dowladda waxa ay heysataa fursad ay ku badbaadin karto Qaxootiga Yemen”

0
206

Muqdisho(INO)-Xili loo baqayo xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Yemen oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeyay Xuutiyiinta iyo dalalka Carabta ayaa Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Ismaaciil Hurre, Buubaa waxa uu ka digay dhibaato colaada halkaasi kasoo gaarta Soomaalida.

Ismaaciil huure Buubaa ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo hadda in iyada oo ka faa’ideysaneysa taageerada dalalka Khaliijka inay ka dalbato dalalkaasi  in laga gacan siiyo sidii dadka Soomaalida looga soo saari lahaa Yemen.

“Dowladda Soomaaliya mas’uuliyad ayaa ka saaran Dadkaasi, xitaa ma heystaan nolosha aasaasiga ah oo colaada awgeed meesha ka baxday” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya.

10 Waddan oo uu horboodayo Sacuudiga ayaa guluf dagaal ku qaaday Yemen si ay u hakiyaan dhul balaarsiga Xuutiyiinta oo kusii siqaya Koofurta Waddanka Yemen.

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here