Isbitaal ku yaal caaismada wadanka Germany ee Farnkfurt ayaa la sheegayaa in laga helay nin qaba cudurka halista ah ee Ebola,iyadoo dhanka kale la sheegay in ciidmada amaanka Isbitaalka ay waardiye ka hayaan bukaanka.
Ninkaan bukaanka ah ayaa la sheegayaa inuu ahaa Dakhtar u dhashay wadanka Uganda kasoo ka soo shaqeeyay Isbitaalo ku yaal wadanka Liebria.
Ninkaan bukaanka ah ayaa la sheegayaa markuu yimid Frankfurt University Hospital in la karintiilay.
Waa bukaankii labaad ee soo gaara wadanka Germany,iyadoo la shegayo bukaan hore oo ka yimid waqooyiga Africa inuu so gaaray magaalada Humburg bishii August.
Nin uhadlay Frankfurt University Hospital ayaasheegay in bukaanka aad lola tacaalaya xaladiisuna ay iminka hagaagayso.
Dhanka kale, Professor Rene Gottschalk mar uula hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo in bukaankaan uu caafimadaayo madama buu yiri uu helay dhakhaatiir la tacaasha cudurka uu qabo isla mar a hanatana la daaweenayo.
Ninkaan oo aah dhakhtar uu dhashay wadanka Uganda ayaa la sheegay markuu cudurka ku dhacayay inuu u shaqeenayay Hay’ada Italian Aid organisation gudaha wadanka Siera Leone asagoo caawinayay bukaanada qaba cudurka Ebola ee aafeeyay waqooyiga Africa.
Warbixin ay soo qortay Hay’ada caafimaadka aduunka ee loo soo gaabsho WHO ayaa lagu sheegay in Waqooyiga Africa dad kabadan 3,338 ay u dhinteen cudurka Ebola,iyadoo dhanka kale warixinta sheegtay in dad gaaraya 7,178 oo qof ku nool Sierra Leone, Liberia iyo Guinea uu soo ritay cudurku.
Idale News Online Barlin