Britain oo ciidamadeeda kala baxday Magaalada Sanca ee Wadanka Yemen

0
374

Sannca(INO)-Dowladda Boqortooyada Britain, ayaa ciidamadeeda sida gaarka ah u tababaran kala baxday Magaalada Sanca, ka gadaal markii uu soo xoogeytay xiisadda ka aloosan dalkaasi Yemen.

Qaramada Midoobe, ayaa Axadii ka digtay in qalalaasaha Yemen ka aloosan uu isku bedelo dagaal sokeeye, waxayna dhinacyada Yemen isku haaya ay ugu yeertay, inay wada hadlaan.

Jariirada SKY NEWS, ayaa ogaatay in Ciidamada Britain Magaalada Sanca laga daad gureeyay Axadii, si aynaan wax saamayn ah ugu yeelan rabshadaha dalkaasi ka taagan.

Ciidamadan, ayaa la hawlgeli jiray xoogagii Mareykanka ee maalmo ka hor laga saaray xerada Al Anad, oo ku taala duleedka Magaalada Al Houta. Al Houta waxaa Jimcihii la wareegay dagaal-yahanada Al Qaacidada Gacanka Cadmeed.

Dowladda Britain, ayaan si rasmi ah u xaqiijin in ciidamadeeda kala baxday Magaalada Sanca iyo in kale, waxaase saacadaha soo socdo la fillaya in war rasmi ah ka soo saarto.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, ayaa Axadii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ticis. Ticis waa Magaalada 3-aad ee dalka Yemen ugu weyn, sidoo kalana waxay xiriirisaa Sanca iyo Cadan.

Madaxweynaha Yemen, ayaa Jimcihii Beesha Caalamka ka codsaday in fara-gelin deg deg ah dalkiisa lagu soo sameeyo. Isagoona Dowladda Iran dusha kaga tuuray dhibaatada Yemen ka taagan.

Idale News Online, Sancca,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here