Booliska wadanka Kenya oo Xabsiga Dhigay Diblumaasi Ka Tirsan Safaarada Soomaaliya.

0
232

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in diblumaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya inay xirteen ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, waxaana la sheegay in diblumaasigaasi uu ciidamadu u xiranyahay maalintii afaraad.

Sida warar lagu kalsoona karo ay sheegayaan waxaa maalintii 4-aad u xiran ciidanka booliska ee argagixiso la dagaalanka mas’uul ka tirsan safaarada Somaliya ee dalka Kenya kaas oo loo heysto sida ay wararku sheegayaan kiis la xiriira argagixisanimo, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa xarun ay Nairobi ku leeyihiin ciidanka sirta Kenya.

Diblumaasigan u xiran ciidamada Kenya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Yuusuf Warsame, wuxuuna safaarada u qaabilsanaa dhinaca baratikoolka, kaas oo ay ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ay gacanta ku dhigeen 23-kii bishaan January, waxaana la qabtay isagoo watay gaari nuuca raaxada ah oo numbarkiisu yahay {KBp609W}, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa falal qaraxyo ah oo ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ilyaas loo heysto inuu ku luglahaa qarax 16-kii bishan ka dhacay baar ku yaala garoonka diyaaradaha Jooma Kenyaata ee magaalada Nairobi  baaritaanada uu boolisku sameeyay ayaa lagu ogaaday in Ilyaas uu heysto sharciga dalka Kenya ilaa haddana ay su’aalo ku socdaan.

Ilyaas Yuusuf Warsame waxaa magacaawday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana la magacaabay bishii Maarso ee sanadkii tagay 2013-kii, waxaana saraakiil dowladda ka tirsan ay nasiib-darro ku tilmaameen in iyadoo aan baaritaan lagu sameyn la magacaabay dhibaatana ay ku tahay cilaaqaadka labada dowladood.

Flag_of_Kenya.svg

Idale News Online, Kenya.