Ninkan oo lagu magacaabo Ahmad Khan Rahami oo ah 28 sano jir ayaa laga soo qabtay gobalka New Jersey, kadib markii danbi-baarayaasha ay sawirka farihiisa ka heleen mid ka mid bambaanooyinkii uu dhigay magaalada New York ee qarxi waayey.
Ahmad Khan Rahami ayaa la sheegay in uu afar bambaano oo uu sameeyey dhigay goobo kala gedisan oo ku yaal magaalooyin ku yaal New York iyo New Jersey, waxaana qarxay 3 bambaano iyadoo bambaano kale la helay inta aysan qarxin kahor.
Iska horimaad kooban ayaa dhexmaray Booliiska iyo Ninkan xiligii ay isku dayayeen askarta inay qabtaan, waxaana dhaawac uu soo gaaray ninkan iyo weliba 4 askari oo ka tirsan Booliiska.
Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay wado baaritaanka sababta ninkan u fuliyey qaraxyadan iyo cida ka danbeysa, waxay sidoo kale baarayaan inay jiraan dad kale oo gacan siiyey.
Rahami ayaa la sheegay in sanadihii lasoo dhaafay uu booqasho ku tagay dalalka Afghanistan iyo Pakistaan halkaasi oo uu kusoo guursaday, waxaana la baarayaa in goobahaasi u tagay inuu kusoo tababarto sameynta bambaanooyinka iyo in kale.