Booliska Malaysia oo qabtay haweeney lagu tuhunsan yahay inay ka dambeysay dilka Kim Jong-nam

0
183

Maleysia(INO)—Booliska dalka Malaysia ayaa xabsiga u taxaabay haweeney lagu tuhunsan yahay inay xiriir la lahayd dil loo geystey nin ay walaalo ahaayeen hogaamiyaha dalka Waqoyiga Kuuriya kaasoo lagu diley garoonka diyaaradaha Kuala Lambur.

Haweeneydan ayaa boolisku waxa ay sheegeen inay haysato baasaboor wadanka Vietnam ah ayna keli ahayd markii la qabanayay.

Booliska Malaysia ayaa waxa ay soo bandhigeen magaca haweeneydan iyagoo ku sheegay Doan Thi Huong taasoo dhalatay May 31 sanadkii 1988.

Kim Jong-nam ayaa la sumeeyay Isniintii aynu ka soo gudubnay isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco wadanka Shiinaha halkaa oo uu degenaa. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan In dilka Kim Jong-nam uu ka dambeeyay walaalkii ka yar oo ah hogaamiyaha dalka Waqoyiga Kuuriya.

Dhakhaatiir ayaa baaritaan ku sameynaysay maanta meydka Kim sida ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska waxaana la sheegayaa in diblumaasiyiin ka soo jeeda dalka Malaysia iyo Vietnam ay ka wadahadlayaan xaalada haweeneyda la soo qabtay. Sidoo kale Booliska ayaa raadinaya haweeney kale oo la rumeysan yahay in ay la socotay haweeneydan la qabtay.