Booliska London oo Gacanta ku Dhigay Afar Soomaali ah oo Daacish lala Xiriiriyay

0
293

Booliska Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa Gacanta ku dhigay Afar Nin oo Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay in ay Qorsheenayeen Weeraro Argagixiso.

Teaser Image Booliska London oo Gacanta ku Dhigay Afar Soomaali ah oo Daacish lala Xiriiriyay

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada London Ian Dyson ayaa sheegay in Ragaan ay Doonayeen in ay Weeraraan Goobo Muhiim ah oo Dowladda England ay leedahay, inkastoo laga hortagay.

Afarta Ruux ee Ciidamadu ay Qabteen ayaa waxaa mid ka mid ah uu ka soo dagaalamay sida Boolisku sheegay Dalka Suuriya, kaasoo La Safnaa Kooxda Daacish.

Booliska weli Arrintaan waxaa uu sheegay in uu Baaritaano kuwado mana sheegin Magacyada Ragaan Soomaalida ah ee Ciidamada Booliska Britain ay Gacanta ku dhigeen.

Booliska ayaa laga soo Xigtay in ragaan Weerarada ay Damacsanaayeen ay ugu Aargudi rabeen Duqeymaha Diyaaradaha Ingiriiska  ay ku hayaan Kooxda Daacish.

Idale News Online, London, UK.