Taliska ciidanka Booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo laga sameeyo dheemishka ama faalsada ah, xili habeen hore madaafiicdii Magaalada Muqdisho laga maqlay Dowladda ay ku sheegtay inay ahaayeen qaraxyo macmal ah.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Madaale oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya hubka dheemishka ah ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Degmada Xamarweyne laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo dheemish ah kuwaasi oo habeen dhaweyd Magaalada Muqdisho lagu qal-qalgeliyay.
Idale News Online Muqdisho.