Booliiska oo ka hadlay diyaarad Maandooriye siday oo Garoonka lagu qabtay

0
213

Muqdisho(INO)-Saraakiisha ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay diyaarad siday dhalooyin qamri ah oo gaaraya 25-kun oo dhalo oo ciidamada ay ku qabteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Booliiska Somaliya General C/laahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in markii hore dhallooyinka qamriga loogu sheegay inay yihiin sharaab/cabitaan caadi ah, laakiin ay baaritaano ku ogaadeen in ay yihiin waxyaabaha maanka dooriya.
Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ee Garoonka Muqdisho ay arintaan ka hor tageen islamarkaana uu ugu hambalyeynaayo howlaha wanaagsan ee ciidamada ay qabteen.
Sidoo kale Generaal Bariise, ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya loo waday shirkada SKA oo garoonka Muqdisho qaybta shidaalka haysata, isaga oo sheegay in markii ay u yeereen masuuliyiinta shirkadaasi ay ka dhaga adeegeen inay yimaadaan.
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa horay u sheegay in Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ay jiraan goobo lagu iibiyo qamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya isaga oo digniin u diray dadka arimahaasi ka shaqeeya.
Waa markii ugu horeysay ee Garoonka Muqdisho lagu qabto diyaarad sida in ka badan 25-kun oo dhalooyin qamri ah.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here