BFS oo kulan deg deg ah ka leh xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare

0
339

Muqdisho(INO)— Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah yeelanaya kulan deg deg ah oo ku saabsan xil ka qaadistii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

Kulankan ayaa waxaa iclaamiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalinta khamiista aanay inta badan Baarlamaanka wax kulan ah laheyn, Xildhibaanada ayaa fariin qoraaleed lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulankan deg dega.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo hor-jeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.

Khilaafyada siyaasadeed ee ku saleysan awoodaha sharciga ayaa waxay aheyd mid soo jireen ah, marka la galo xilli kala guur ah.

Lama oga go’aanka Xildhibaanada qaadan doonaan, balse waxay noqon kartaa arrin saameyn weyn yeelata, marka la eego sida Xildhibaanada uga fal celinayaan sababta xilligan loogu soo beegay xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare.

Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda sare ee dalka ayaa loo magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo todobaadkii hore iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo uu muddo shan sano hayay.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka ay muddo saddex bil u harsan tahay xilligeeda.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here