Beesha Ogaadeen Oo U Dhow Inay Hesho Madaxweyne Ku Xigeenka 1aad Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
820

Nairobi(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno matalaayey Sida la Sheegey Maamulka Bakool sare ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya wax xoogaa ah isaga soo dhawaaday khilaafkii u dhaxeeyey.

Sida aan ku heleyno warbixin si hoose usoo shaac baxday shir ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa waxa wada qaatay  Madaxweyne Shariif Xasan iyo xubno ka socda Beesha Ogaadeen oo matalayey Maamulka bartamihii sanadii hore looga dhawaaqay deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Bakool.

Dowladda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden oo culeysyo ay hareeyeen Maamulkiisa berigii Ceelbarde ay ka socdeen howlaha Bakool sare ayaa dalbaday shir looga wada hadlayo taabashooyinka jira ee ay qabaan shacabka ku dhaqan qeybo ka mid ah Bakool si loo xaliyo cabashooyinkooda ay waxa intaan soo jiitamayey in kulan gaar ah wada yeesheen labad dhinac.

Xubnaha Maamulka Bakool sare ayaa dalbaday in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya laga siiyo saamigii awood qeybsi ee ay ku lahaayeen, waxaana ay ku adkeysteen in aanay u qalmin xubnaha hada laga siiyey Baarlamanka maadaama siday hadalka u dhigeen ay degenyihiin dhul badan oo ku yaala Gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh ay hordhigeen in la siiyo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Koonfur Galbeed hadii kale aanay ku qanacsaneyn dhismaha Dowlada KGS, islamarkaana halkood ay ka wadi doonaan dagaalka siyaasada ah ee ay kula jiraan.

War aan dhameystirnay ayaa sheegaya in Madaxweyn Shariif uu qaatay go’aan ah in Beesha Ogaadeen la siiyo ku xigeenka koowaad ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana balantaas uu kula galay siyaasiyiinta kasoo horjeeday uu ku qanciyey in ay siiyaan waqti si loo helo fursado ku haboon waqtiga magacaabista.

Geesta Kale shirka Nairobi ayaa waxa dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Biimaal oo isku haaystay in Beesha loo magacaabayo jagada hada laga balan qaaday Beesha Ogaadeen si ay u yareen culeyska siyaasadeed ee ay ku haayaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale sheekada balan qaadka ah ee  Madaxweyne Shariif Sheekh Aaden ayaa la sheegey in loo qaadan karo in uu isaga yareenayo gulufka siyaasadeed ee kusoo wajahan, waxaana dhow jeer oo hore la helay warar kala duwan oo sheegayey in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden cid kasta uu ka balan qaadayo Jagada Madaxweyne ku xigeen maadaama ay tahay jago faraha ugu jirta.

Ugu dambeyntii, Tan iyo Markii  Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay lagu doortay Shariif  Xasan Sheekh Aaden bulshada koonfur galbeed ayaa sugeysay in la magacaabo ama lasoo dhameystiro dhismaha Dowlada, sida muuqata Koonfur galbeed ayaa kaliye taliye u gacan galay mana jiraan rag kale oo ku awood ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden si ay ula xisaabtamaan qaladaadka iyo Jabinta Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ogaadeen-1

Xigasho: MarkaNews.Net

Xafiiska Wararka Ee  Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here