Kulan ballaaran oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgarad, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Beesha Ceyr ayaa waxa ay kasoo horjeesteen qaabka loo xulay Xildhibaanada beeshaasi ugu mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee soo socda.
Kullanka oo ay qudbado kala duwan ay ka jeediyeen Waxgaradkii iyo Odayaal dhaqameeyadii ka qeyb galay ayaa waxa ka hadlay Imaam C/laahi Khaliif Rooble kaasi oo sheegay in Beesha ay waysay Xildhibaanadii ay ku laheyd Dowladda cusub, maadaama uu xusay in uu ku takri falay Cabdi Daahir oo uu xusay in uusan matalin Beesha Ceyr islamarkaana uu la shaqeeyo AL Shabaab oo Caalamka u arko Al-qaacidada Soomaaliya.
Imaam C/laahi Khaliif Rooble ayaa waxa uu sheegay in Beesha Ceyr aysan marna qabaleynin in shaqi uu ku takri falo Xubnihii ay ku lahaayeen barlamanka cusub, wuxuuna ugu baaqay Beesh Caalamka, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS iyo Madaxda Dowladda in si deg deg ah ay arrintaani wax ugu qabtaan.
Sidoo kale waxaa kullankaasi ka hadlay Nabadoon Max’ud Cali Baare oo loo yaqaano (Sheekh Daylaaf) kaasi oo sheegay in kalsoonidii lagala laabtay Cabdi Daahir, kaddib markii uu sheegay in uu ku dhaqaaqay musuq maasuq, waxaana uu xusay in loo baahan yahay cadaalad iyo sinnaan in Beesha Ceyr ay wax ku qeebsato.
Kullankaani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Nabadoon C/laahi Siyaad Cabdi kaasi oo tilmaamay in Xubnaha uu qoray Cabdi Daahir aysan diyaarinin Beesha Ceyr, isagoo ka digay khilaaf iyo murran soo kala dhexgala Beesha Ceyr haddii aarrinkaani aan si deg deg ah waxba looga qaban.
Gaba gabadii kullankaani ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay Nabadonno, Odayaal dhaqameedyo, Waxgarad iyo Siyaasiyiinta Beesha Ceyr kuwaasi oo hal dhinaca kaga soo horjeestay qaabka uu wax u Maamulaya Cabdi Daahir oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeeyo AL Shabaab.
Liiska Odayaasha ka qeyb galay kullanka ayaa Magacyadoodu waxa ay kala ahaayeen sida tan….
- Imaam C/laahi Khaliif Rooble
- Nabadoon Axmed Cabdulle Xasan
- Nabadoon Xaaji Xasan Max’ed Ciyaaye
- Nabadoon C/laahi Diiriye Cali
- Nabadoon Sheekh Max’ud Cali Baare
- Nabadoon Aadan Mire Max’ud Ciyow
- Nabadoon C/laahi Siyaad Cabdi
- Nabadoon Nuur Xasan Dhoore
- Nabadoon Cabdulle Cumar Xeyle
- Nabadoon C/qaadir Salaad Tarabi
- Nabadoon Cumar Sheekh Yuusuf
- Nabadoon Yaasiin Diiriye Xalane
- Nabadoon Cali Dubad Nuur
- Nabadoon Siyaad Warsame Shabeel
- Nabadoon C/laahi Siyaad Kheyre
- Nabadoon Cumar Mataan Axmed
- Nabadoon Max’ed Salaad Cali
- Nabadoon Cabdi Sheekh Doon Cali
- Nabadoon Xuseen Cosoble Ibraahim
- Nabadoon Macalin Cilmi Ilka yare
- Nabadoon Cali Macalin Max’ed
- Nabadoon Cali Xasan Sahal Bare
- Nabadoon Caluun Barqadle Max’ed
- Nabadoon Max’ed Xaashi Xasan
- Suldaan Cali Cismaan Dheere
- Nabadoon C/laahi Axmed Rooble
- Nabadoon Cumar Wehliye Dhuxuloow
- Nabadoon Xasan Ciyow Jimcaale
- Nabadoon Yoonis Xuseen Max’ud
- Nabadoon Cadceed Warsame Jikre
- Nabadoon Khaliif Cismaan Max’ud
- Nabadoon Sheekh Axmed Cabdulle
- Nabadoon Cirro Sheekh Axmed Sheekh Cabudlle
- Nabadoon Khaliif Cali Seeraad Ciise
- Nabadoon Cismaan Cabdulle Axmed
- Nabadoon Xasan Faarax Axmed
- Nabadoon Max’ed Cali Nuur
- Nabadoon Xasan Yuusuf Ibraahim
- Nabadoon C/raxmaan Max’ud Ciyow
- Nabadoon Daahir Max’ed Xeyle
- Nabadoon Liibaan Daahir Warsame
- Nabadoon C/qaadir Faarax Iidow
- Nabadoon Aadan Keynaan Xuseen
- Nabadoon Max’ud Jimcaale Waa-dhowr
- Nabadoon Axmed Xasan Gureey
- Nabadoon Xasan Cosoble Ibraahim
- Nabadoon Xuseen Nuur Faarax
- Nabadoon Tahliil Max’ud Ibraahim
- Nabadoon Cali Cismaan Max’ud
- Nabadoon Cabdi Axmed Wariiri
- Nabadoon C/laahi Cali Cawaale
Oo dhamaantooda ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka ka qeyb galay Kullanka maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Beesha Ceyr oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed