Beesha Habar Gidir oo dagaal kula wareegtay Deegaanka No. 50 ee Degmada Afgooye

0
319

Wararka laga helaayo deegaanka N0.50 ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegeya in dagaal qaraar uu maant ka dhacey deegaano hoostaga degmada Afgooye, Awdeegle iyo Janaale, kuwaasoo u dhexeeyey beesha Biyo-Maal iyo Beel kale oo duulan qaawan ku soo qaadey Gobolka Sh/Hoose oo lebisanaa Dareeska Dowlada Soomaaliya, isla markaana lagu sheegey in ay yihiin ciidan qaran.

Ka dib dagaal xoogan oo aad u ba’anaa, ayaa la sheegey in deegaanka Lambar konton ay u gacan gashey Beesha Habar-Gadir oo duulan ku ah Gobolka Shabeelaha Hoose oo iyadu ka hayaantey Gobolada Dhexe Ee soomaaliya.

Mudooyinkii dambe ama Afartii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa waxa socdey dagaalo faraha looga gubtey kuna soconayey Degaanka Janaale iyo Tuulooyin hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose, kuwaasoo ku dhax-marayey beelaha Biyo- maal iyo Habar-Gidir.

Ilaa iyo iminka kama aysan hadlin madaxda dowlada Df soomaaliya ugu sareysa oo ku aadan dagaalada ka soconayo Gobolka Sh/Hoose.

Markii laga riibo Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo tilmaamey in ay baaritaano ku sameyn doonaan in ay ku leg leeyihiin ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya.

Godoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Nuur Siidii ayaa isna ku eedayay dowlada soomaaliya in ay ku guul dareysatey waxa ka qabasho la’aanta dagaalada ka soconayo Gobolka Sh/hoose.

Sikastaba ha ahaatee, dowlada soomaaliya ayaa iska indha tireysa dhibaatada lagu haayo shacabka Gobolka Sh/Hoose, kuwaasoo soo marey dhibaato kala gedisan oo ay ugeysteen dhaqar-qabiyaal mudadii 23 sano ee dowlada la’aanta ay jirtey, isla markaan gobolku xoog ku haysatey Beesha Habar-Gidir oo ka soo duulan tagtey gobolada Dhexe ee soomaaliya.
dagaalkaMarko

Ugu dambeytina, waxay arintani ku soo beegantay, ee Qabsashada Beesha Habar-Gidir Degaanka NO.50 Saaka hadal dad badan ay isla dhex-marayeen oo ah in beesha Habar-gidir ku soo rugaali celisey mar kale dhulboobkii ay ka wadey Gobolka sh/Hoose. Sidoo kale waxa isa soo tarayaa cambaareyn ku wajahan Dagaalada ka soconayo Degaanada.

Xasan Bashaa
Xafiiska Wararka Idale News, Koonfur Galbeed, Somalia.