Beesha Habar Gidir iyo Maamulka GalMudug oo Nairobi uga arrinsanaaya sidii hal musharax u yeelan lahaayeen

0
374

Nairbi (INO) – Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay kula kulmay magaalada Nairobi Siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda deegaanada Galmudug, iyadoo kulankan looga hadlay aayaha Galmudug iyo sidii loo taageeri lahaa musharax la isku raacsan yahay.

Inkastoo kulanka markii hore ahaa mid furan oo la isku dhaafsanayay aragtiyo iyo fikrado, ayaa hadana waxaa markii dambe la iskula hadlay si hoose ah.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotelka Intercontinental ee magaalada Nairobi, waxaana warbaahinta ka aheyd mid dibad joog ah, kulanka ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in kulamo kale, si loo xoojiyo midnimada beesha iyo tan Galmudug.
Guuleed-iyo-Musharixiin

C/kariin Guuleed ayaa balan qaaday inuu taageeri doono Musharax beesha uu ka soo jeeda isku soo raacdo ama deegaanada Galmudug, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo horumarka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xubno horay uga tirsanaa Galmudug.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay Musharax C/raxmaan C/shakuur iyo Musharaxa reer Mareykanka ah Dr. C/naasir Maxamed oo horay u dhaliilsanaa dhabaha Madaxweyne Guuleed u wado Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa siyaasiyiin kale oo ka soo horjeeda Maamulka C/kariin Guuleed, kuwaasoo dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqay Madasha bad-baadada Galmudug, kadib markii Madaxweyne Guuleed ku dhaliileen in Galmudug uu ka dhigay mid ka mid ah Xafiis ka mid ah Villa Somalia.

Lama oga in Madaxweyne Guuleed uu ka furtay saaxibkiisa qadiimiga ahaa, Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale Musharax ah, hadana dad badan ayaa aaminsan inay tani siyaasad noqon karto, siyaasadana aanay saaxib joogto ah laheyn.

Beesha Habargidir ayaa haatan waxaa u taagan 2 musharax oo kala ah Dr C/Naasir Maxamed oo soo ka jeeda jifada Sacad/Habar Gidir oo isagu horaantii bishii May magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uga dhawaaqey inuu yahay Musharax u tartamaaya xilka madaxtinimada Soomaaliya iyo C/raxmaan C/Shakuur oo ka jeeda Jufada Ceyr/Habar Gidir oo dhowaan magaalada Muqdisho uga dhawaaqey inuu yahay musharax.

Bisha September ee sanadkan 2016 ayaa lagu wadaa inay dalka ka dhacaan doorashada Madaxtinimada, iyadoo ay u taagan yihiin musharaxiin fara badan, waxaana maalmahan ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho Musharaxiin, waxaa ka mid ah Musharaxiinta ololahooda ka bilaabay Muqdisho Saciid C/llaahi Dani.