Jowhar(INO)- Kadib markii shalay uu Magaalada Jowhar ka Furmay wajiga Labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa waxaa soo baxaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha soo xulaya ergooyinka.
Qaar kamid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Jowhar oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la isku af-gartay qaabka loo qeybsanayo beelaha labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,
Dhanka kale odoyaal kale oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ku eedeeyay in uu si af-duub ahaa u keenay Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe si ay ugu qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Halkaan Hoose ka akhriso
ABGAAL——————- 15-XUBIN
XAWAADLE————– 15- XUBIN
GAALJECeL————— 6-XUBIN
GUGUNDHABE——— 6-XUBIN
JAREERWEYNE——– 6-XUBIN
HABARGIDIR———– 5-XUBIN
UDEEJEEN————- 2 XUBIN
MOOBLEEN———— 2 XUBIN
DIR———————– 2 XUBIN
SHIIKHAAL————- 2-XUBIN
REER OWXASAN———2-XUBIN
HILIBI————————-2-XUBIN
YAXAR—————— ——-2-XUBIN
CARAB———————— 1-XUBIN
Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa Si Cad u diiday Xaquuqada Beesh Eylo oo ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle Ee Degan Gobolka Shabellaha Dhexe in ay mid noqoto Beelaha Dhisanaya Maamulka Shabelle State.
Odayaasha Dhaqanka Beesha Eylo oo horkacayo Nabadoon Karaamad ayaa Ku wareegey Xafiisyada Dowlada iyo kan wasiirka arimaha Gudah Soomaaliya ayaa waaayeen cid la hadasho ama tix galiso Cabshadooda Ee Degaan.
Beelaha koonfur Galbeed Degan ee Digil iyo Mirifle ayaan ku buraarugsaneysan Danaha Beelahooda iyo ka hortaga Dhibaataada Loo geysto.
Waxaan idin soo Gudbin doona wareysi Aaanu la yeelanay Nabadoonka Beesha Eylo Ee Gobolka Shabellaha Dhexe Nabdoon Karaamad.
Idale News Online, Jowhar