Beesha caalamka oo taageertay go’aanka Madaxweynaha Somalia ku meelmariyey Hanaanka Doorashada Somalia 2016

0
344

Muqdisho (INO)  – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa bartiisa Twitter soo dhigay hadal uu ku taageeraayo talaabada madaxwe Xasan Sheekh ku meelmariyey heshiiskii madasha Qaran, isagoo ku tilmaamey talaabo muhiim ah oo dhinaca Nabada Somalia, Amniga gobolka iyo Caalamka loo qaadey.

Sidoo kale qoraal ay ku saxiixan yihiin wakiilada Qaramadda Midoobey,  Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Taliyaaniga, Itoobiya, Sweden iyo dowlada Mareykanka ayaa si cad loogu taageeray talabaada iyo go’aanka Madaxweyne Xasan gaarey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xeer madaxweyne ku meel marieyey nidaamka doorashada sanadka 2016, ka dib markii markii uu madaxweynaha ku guul dareysey inuu meel mariyo heshiiskii xukuumada u gudbiyey. Talaabada Madaxweynaha qaatey ayaa u eg mid lagu kala diray maadaama shaqadii barlamaanka ay bedeshay wareegto madaxweyne.

Idale News Online. Mogadishu