Beesha Caalamka Oo Faro-Galin Kusoo Sameysay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0
519

Muqdisho (INO) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Shirka wadatashiga Qaran ee iminka ka socda magaalada Muqdisho kaasi oo u dhexeeya DFS, Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Shirka oo looga doodaayo 2 qodob oo kala ah Meel marinta maqaamka Gobolka Banaadir iyo Doorashada dalka ka dhici doona dabayaaqada Sanadkaani ayaa waxaa lasoo warinayaa in leysku mari la’ yahay wali shirkaasi oo lagu ballansan yahay in maanta oo Isniin ah lasoo xiro.

Shirka oo maanta galay maalintii labaad ayaa waxaa faragalin kusoo sameeyay wakiilada Beesha Caalamka si maanta looga gaaro natiijo rasmi ah, waxa ayna Beesha Caalamka wadaa in si hagar la’aan ah Gobolka Banaadir xuquuq looga siiyo Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Safiirada EU, Mareykanka, Midowga Afrika, ayaa soo jeediyay maadaama uu wakhtigu yahay mid is guraaya DFS laga aqbalo in Gobolka Banaadir lasiiyo xuquuqdiisa inkastoo Puntland ay wali ku adkeysaneyso mowqifkeeda.

Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa saadaalinaaya in DFS ay ku guuleysan doonto qorshaha Gobolka Banaadir lagu gaarsiinaayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxa ayna qabaan in haddii marba garab laga helay Beesha Caalamka aysan waxba soo kordhin doonin Puntland.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in war cad laga soo saaro shirka, waxaana suuragal noqon karta in Beesha Caalamka ay 1 maalin dheeri ah ku darto shirka waa haddii uu arrinku sii ahaado mid ismari’waa ah.

Idale News Online, Muqdisho