Muqdisho ( INO)-Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadisay Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadashiga Qaran, kaasi oo ay isugu yimaadeen Madaxda DFS iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, laguna soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Wakiilka Gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Shirkii Madasha ee Magaalada Muqdisho uu dhabaha u xaarayo doorashada soo socoota ee la doonayo in Dalka lagu qabto.
Waxaa Wakiilka uu sidoo kale ku tilmaamay Heshiiskii Garoowe iyo Shirkii Muqdisho mid lagu gaari karo Doorasho Qof iyo Codkiis oo Sanadda 2020 ka dhacda Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay meelmariyaan qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Idale News Online, Muqdisho