Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo shir ku leh maanta Airport Muqdisho…

0
372

Muqdisho (INO): Iyadoo shirar kala duwan oo la isku mari waayey uu dhex marey guddiga Barlamaanka u xilsaarey turxaan bixinta heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran iyo beesha caalamka, ayaa warar hoose oo Idalenews ONline heshay  xaqiijinayaan  in xubno guddiga barlamaanka ka tirsan diideen soo jeedinta beesha caalanka  ka timid oo iyagu doonaayey in la meel mariyo dhamaan qodobadii heshiiska Madasha si looga fogaado dib u dhac iyo khalkhal siyaasadeed oo hor leh.

Ergiga gaarka ah ee qaramada midoobey ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ku hadlaayey magaca beesha caalamka ayaa u sheegay guddigii ay la kulmeen in go’aan degdeg ah oo ku saabsan arrinta heshiiskii madasha ka soo saari doonaan shir saaka oo khamiista ay la leeyihiin madaxda sare ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhamaantood caawa ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa qodobadda sida aad ka ah loogu muransan yahay ka mid ahaa dhismaha aqalka sare ee barlamaan iyo, sidoo kale matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare oo xitaa guddiga dhexdiisa ay ku kala qeybsameen. Iyadoo xubnaha u ololeynaayey in Muqdisho la siiyo xubno dheeri ah doonaayeen in Puntland iyo Somaliland laga soo jaro min 3 xubnood, lana siiyo gobolka Banaadir, halka xildhibaanada diidan ay iyaguna leeyihiin waa caasimadii dalka waxayna yeelaneysaa maqaan u gaar ah, cid gooni u lehna ma jirto maadaama ummadda Soomaaliyeed u siman tahay, 2.5 Milyan ee dadka Soomaaliyeed ahna ay ugu soo urureen caasimada nolosha iyo siyaasasada taala gobolka Banaadir.

Shir maanta ka dhici doonta Airport magaalada Muqdisho ayaa la saadaalinaayaa in beesha caalamku iyo madaxda sare ee dowlada ku gaaraan go’aan liddi ku ah barlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaasna meesha ka saaraaya awoodda ay u yeelan karaan in process-ka socda ay meel ka soo galaan.  Shirka ayaa sidoo kale la filaayaa in la mudeeyo dhismaha barlamaanka cusub, isla markaasna loo qabto ilaa bisha August 7deeda in lagu soo dhameystiro soo xulista xildhibaanada, waxaana arrintaasina looga gol leeyahay in lagu kala diro xubnaha xildhibaanada barlamaanka ee ku sugan Muqdisho, isla markaasna u tagaan goobaha doorashadu ka socoto ee gobolada sida (Kismaayo, Baydhabo, Garoowe, Cadaado iyo Magaalada Muqdisho).

Idale News Online.