Beeraleyda Baardheere Oo Cabasho Ka Ah Cayayaan Waxyeello U Geystay Dalaga Ay Beertaan

0
364

Baardheere(INO)- Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyey cayayaan dhibaato ku haya dhammaan dalaga ay beerteen, kaasi oo sababaya in beerta aanay u bixin sidii loo rabay.

Cali Maxamuud Cali oo ka mid ah beeraleydan ayaa u sheegay Warbaahinta in caleenta beeraha uu galayo cayayaankan, islamarkaana sababaya in beerta ay ugu dambeyn si iskeed ah u baaba’do.

Cayayaankan ayuu u sababeynayaa Cali Maxamuud in uu soo raacay fatahaaddii Wabiga uu ku sameeyay dhawaan beeraha, islamarkaana hadda ka beeraley ahaan aanay haysan dawo ay cayayaanka kula dagaallaan.

Yaanyada, Galleyda, Haruurka, iyo dalagyo kale ayuu sheegay in cayayaankan uu aad u sameeyay, halka uu sheegay in hadda dadka ay beeranayaan Geedka Liinta oo kaliya.

Dhowr jeer sidan oo kale beeraleyda degmada Baardheere waxay cabasho ka muujiyeen cayayankan hase ahaatee illaa hadda ma jirto cid wax ka qabatay cabashadooda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay