Muqdisho Idale News Online (INO) – Waxaa khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan qaabka loo soo xulaayo iyo goobka lagu soo xulaayo xildhibaanada beelaha Direed ka dhex aloosan yahay labo dhinac oo beelahaasi u qeybsameen.
Labada dhinac ee beeshaasi u qeybsantey ayaa waxaa kala hogaaminaayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowlada Federaalka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte& koox uu hogaaminaayo oo dhinac ah iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Barlamaanka Mahad Cawad & koox la socota oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore ee Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf oo dhinaca kale ah.
Gudoomiye Mahad Cawad iyo Caydiid Ilkaxanaf oo taageero ka helaaya R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa iyagu ku doonaaya in beelaha Direed waxqeybsigeedu ka dhaco ama la geeyo Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland; waxayna sheegeen in ay arrintaasi u doorbidayaan dhawaanshaha, isla markaasna beelaha direed ee degan gobolada waqooyiga iyo bartamaha Soomaliya si sahlan oo amaan leh ay halkaasi ku soo gaari karaan. Halka Magalaada Muqdisho ay ku tilmaameen in aysan badi beelaha goboladaasi soo gaari karin, isla markaasna amaankeeda cabsi ka qabaan. Waxaana fikirka kooxdaan la qaba oo taageersan Maamulka Puntland oo iyagu u arka in ugu yaraan waxqeybsiga Beelaha Direed aan lagu soo koobin magaalada Muqdisho; ugu yaraana magaalada Garoowe la keeno 2 meelood meel, waxay aysan dhicin in beelaha waqooyiga iyo bartamaha dhamaanteed yimaadaan Garoowe.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowlada federaalka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo taageero ka helaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa iyaguna ku doodaaya in magaalada Muqdisho tahay goobta ama saldhigga kaliya oo badi beelaha waqooyiga Soomaaliya isku raacsan yihiin, isla markaasna xulista xubnaha xildhibaanada beelahaasi aan meel kale la geyn karin.
Dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa si aad ah u dhowraaya natiijada shirka uga socda caasimada Somalia ka hor inta aanu furmin shirka ugu dambeeya ee Madasha Qaran oo galinka dambe ee maalinta Talaada ee 2da bisha August loo balansan yahay. Waxayna ka digeen in aanu jirin doonin waqti ama fursad kale oo beelahaas kaga arrinsadaan doorkooda siyaasadeed ee doorashada 2016, heshiiis deg deg ahna ay kaga gaaraan doorashada 2016 haddii kale ay ku gowracan yihiin in siyaasad ahaan la hoos geeyo madaxda Madasha qaran iyo maamul goboleedyada ay ka arrimiyaan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online. Mogadishu.