Beelaha Digil & Mirifle oo ka hor yimid Maamul ay IGAD dooneyso iney ka sameyso Jubooyinka iyo Gedo

0
224

Khilaafka ku aadan maamul u sameynta labada Jubbo iyo Gedo ayaa gaarey heerkiisii ugu sareeyey ka dib markii uu fashil ku dhamaadey shir ay lahaayeen Guddi ka socda Jubbooyinka oo IGAD ay magacowday oo dhowaan Muqdisho yimid iyo Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ee dega 3daas gobol.

Wafdiga Somalida ee IGAD u magacowdey Maamul U Sameynta goboladaas ayaa markey Muqdisho ku sugnaayeen u sheegey Madaxda Sare ee Dowlada Soomaaliya in maamul u sameynta Jubooyinka ay marayso heer gabogabo ah, isla markaasna uu jiro shirweyne bishaan December ka dhici doona Kismaayo kaasoo lagu yagleeli doono maamul goboleed lagu sheegey in loogu magac dari doono Jubbaland State.

Waxaa qaabka iyo howsha Maamul u sameyntaasi si aad ah uga hor yimid Xildhibaanada iyo Beelaha ka soo jeeda Digil & Mirifle oo sheegey in e3daas gobol (GEDO, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose) yihiin deegaano la wada leeyahay, suurtogalna aysan aheyn in kooxo ama qabiilo gaar ah si gooni ah uga wada hadlaan masiirka dadyowgooda isla markaasna maamul hal dhinac ah ku riyoodaan ama laga dhiso goboadaas. Waxayna sheegeen in dhammaan 3daas Gobol ee GEDO, JUBBADA Dhexe iyo JUBBADA HOOSE ay Digil Mirifle yihiin dad ku leh miisaan weyn, Sidaas darteedna Mustaqbalka iyo aayo ka talinta deegaanadaas cidka kaga heebeysan doonin, ayna tahay inIGAD iyo Dowladda Soomaaliya iyo cid kaleba horseedin dagaal iyo dhibaatooyin dadka walaalaha ee wada degan ka dhex abuurma.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa soo jeediyey in guddi isku dhaf ah oo 2da dhinac ah la sameeyo kuwaasoo ka shaqeyn doona shirweyne guud oo dadka iyo deegaanada goboladaas kaga wada arrinsadaan aayaha maamul goboleed laga wada heshiis yahay. Hase ahaatee waxaa arrinkaas ku gacan sareysey guddigii IGAD ay u magacowday oo iyagu doonaayey in looga dambeeyo maamul gobaladaasi yeeshaan.

Dastuurka Dowlada Federaalka ayaa qaba in labo gobol iyo waxii ka badan dadweynaha ku wada nool deeganadaas xaq u leeyihiin in maamul goboleed sameysan karaan, balse IGAD iyo qaar ka mid ah beelahaas ka soo jeedo ayaa si gaar ah u raba Jubooyinka in  kaligood xil iska saaraan xaquuqdii dadka Digil iyo Mirifle ee GEDO iyo 2da JUBBO isla markaasna duubsadaan, taasoo keentey in beelaha Digil & Mirifle  cod dheer kala hor yimaadaan una cadeeyaan walaalahoow Soomaaliyeed iyo dowladda Somalia ineysan marnaba raali ka noqon doonin maamul gaar iyo farogalin lagula kaco deegaanadooda. Cidii Dastuurka iyo Sharciga dalka u degan ka hor timaada ay iyadu leedahay dhibaatada ka dhalanta, ayna uga digayaan beelaha ku howlan sadbuursiga goboladaas ineysan ku degdegin colaad iyo dagaal laga hortagi karo in la baajiyo.

Lama garan karo, sida maamul aan dadka deegaanku u dhameyn isla markaasna ku saleysan eex iyo nin jecleysi ama is baheysi qabiilo gaar ah uga shaqeyn karo halkaas. iyadoo la ogyahay dagaaladii ka dhacey goboladaas ahaayeen kuwa xoog iyo farogalin ku dhisnaa oo aan wax natiijo ahna laga gaarin 22kii sano ee la soo dhaafey.

Xafiiska Warqabada Idale News Kismaayo.
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com